Advertisements
Advertisements

DAAWO VIDEO: Warbixin ku saabsan Guudoomiyaha Cusub ee Baladweyne oo xilka la wareegay

Arbaco,Jan 17, 2018 (HNN) Madaxweynaha dowlada Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa xilka ka qaaday Guudoomiyihii degmada Baladweyne Aadan Axmed Xeefow iyado Guudoomiyaha degmada Baladweyne loo magacabay  Maxamed cismaan Cabdi Qalafow oo labo jeer oo hore soo noqday Guudoomiyaha degmada Baladweyne.

Guudoomiyaha Cusub ee degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi qalafow  ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay  Guudoomiyihii hore kadib Munaasabad lagu qabtay xaruunta Maamulka Gobolka Hiiraan, ee Magalaada Baladweyne, waxana ka qeyb galay,Madaxda maamulka gobolka kan degmada Baladweyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)