Advertisements
Advertisements

RASMI: Kooxda Everton Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Heshiiska Ay Theo Walcott Kagala Soo Wareegtay Arsenal

Arbaco, jan 17, 2018 (HNN) Kooxda Everton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska ay Theo Walcott kagala soo wareegtay kooxda Arsenal iyada oo xidiga ree England uu shalayba ka gudbay tijaabada caafimaadka isla markaana uu ogolaaday heshiiska shaqsiga ah ee uu Goodinson Park ugu soo wareegay. Theo Walcott oo Everton ugu soo biiray si uu Sam Allardyce uga helo boos joogto ah taas oo u badbaadin karta booskiisa koobka aduunka ee xulka qaranka England.

Theo Walcott ayaa Arsenal kaga soo biiray kooxda Southampton 12 sano ka hor isaga oo markaas ahaa ciyaartoy da’yar wuxuuna Gunners ku soo qaatay waqtiyo kala duwan oo uu midkastaaba waayihiisa gaarka ah lahaa laakiin ugu danbayn 28 sano jirkan ayaa waayihiisa ciyaareed u raray Merseyside isaga oo doonaya in Everton ku yeesho saamayn ka fiican tii uu hadda ku lahaa Gunners.

Theo Walcott ayaa Arsneal u soo dhaliyay 108 gool kadib markii uu u so ciyaaray 397 kulan laakiin waxa uu mudooyinkii ugu danbeeyay boos joogto ah ka waayay kooxda Arsene Wenger iyada oo sanadihii ugu danbeeyay hadba koox lala xidhiidhinayay.

Everton ayaa Theo Walcott ka soo bixisay 20 milyan Pound taas oo ah lacag aad ugu hoosaysa xidig tayada Walcott leh balse Arsenal ayaa ogolaatay in 28 sano jirkani uu raadsado kubbad joogto ah iyada oo ay soo dhawdahay waqtiga la ciyaari doono koobka aduunka Russia 2018.

Dhinaca kale Theo Walcott ayaa Arsenal kula soo guulaystay laba oo FA Cupka ah oo uu Gunners la soo qaday sanadihii 2015 iyo 2017 wuxuuna sidoo kale la soo qaaday laba koob oo Community Shield oo uu iyagana kula soo guulaystay isla sanadihii 2015 iyo 2017 kii.

Theo Walcott ayaa xulka qarankiisa England u soo ciyaaray 47 kulan wuxuuna u soo dhaliyay 8 gool isaga oo rajaynaya in u wareegistiisa Everton ay ka caawin doonto in uu qayb ka noqdo liiska xulka qarankiisa Three Lions ee Russia ugu safri doona koobka aduunka.

Ugu danbayn Theo Walcott ayaa Everton u saxiixay heshiis saddex sano iyo badh ah wuxuuna Goodinson Park ku qaadan doonaa ilaa 2020/21 iyada oo Arsenal ku iibisay 20 milyan Pound. Everton ayaa dhawaan 27 milyan Pound ka soo bixisay gool dhaliyihii kooxda Besiktas ee Cenk Tosun.

a

Fikradaha Akhristayaasha (0)