Advertisements
Advertisements

Shirkii lagu dhameystiri laha heshiiskii dhaxmaray Galmudug & Ahlusunna oo baaqday

Arbaco,jan 17, 2018 (HNN) Wararka ka imanaya Magalaada dhuuso-mareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegay in dib u dhac ku yimid shirkii lagu waday in lagu dhameystiro heshiiskii horey u dhaxmaray Galmudug iyo Ahlusunna.

Sababta keentay dib u dhacan ku yimid shirka ayaa la sheegay in ay tahay wafuud lagu wado inay maanta gaaran Magalaada dhuuso-mareeb.

Madaxda maanta lagu wado inay garaan Magalada dhuuso-mareeb ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha koonfur galbeed shariif xassan sheekh Aadan,iyo xubno ka socda urur Goboleedka IGAD.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo,Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Wasiiro,xildhibaan,Guudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed iyo xubno kale ayaa ku sugan Magaalada dhuuso-mareeb.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)