Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Calanka Galmudug oo markii ugu horeysay maanta laga taagay degmada Dhuusa-Mareeb & Madaxweyne Farmaajo oo hal arin dalbaday

khamiis, jan 18,2018(HNN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa ka qeyb galayey Munaasabad lagu  dhaqan gelinayay  heshiiskii horey u dhaxmaray Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna  kuwaaso ku midoobay Maamulka Galmudug.

 Sido kale  Munaasabaddaan ayaa waxaa ka  qeyb galay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating, danjireyaasha wadama Jabuuti iyo Kenya, Wakiillada Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in QM ay soo dhaweyneyso heshiiska, wuxuuna balan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la iska cafiyo wixii horey u dhacay, la iskuna calool fiyoowaado, si horey loogu sii socdo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dhinaciisa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu riyoonayay in ay dhacdo, wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada dhexe.

Madaxweynaha dowlada Federaalka oo Munaasabada ka hadlay ayaa yiri” Maanta waa maalin reer Galmudug ay ka baxayaan kala qeybsanaanta iyo colaadaha ka jirta gobolladan. Waa guul u soo hoyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta qiimaha badan ee dhisitaanka iyo marti gelinta Dowlad Goboleedka Galmudug ay ka qaateen shacabka iyo wax-garadka magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ahayd.

“ Heshiiskan waa bilow wanaagsan, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado. Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kormeer ku tagay Xerada Taliska Ciidanka 21aad ee Xoogga Dalka, halkas oo ay ku sugnaayeen ciidammo horey uga tirsanaa maamulka Ahlu Sunna balse haatan lagu wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidankan ayaa faray in ay u istaagaan gudashada waajibaadka qaranka, qeybna ka noqodaan dagaalka lagaga sifeynayo Alshabaab deegaannada kale ee ay kaga harsanyihiin dalka.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)