Advertisements
Advertisements

DEG DEG: Taliye ku xigeenkii Ciidamada Badda Somaliya oo lagu dhax toogtay dekadda Magalaada Muqdisho

khamiis.Jan 18,2018(HNN) Taliye ku xigeynkii Ciidanka Badda Soomaaliya  Generaal  Saciid Aadan dheere (Saciid Mariino) ayaa goor-dhaw lagu dhax dilay Dekadda Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka iyado  dilkiisa u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya Taliyaha la dilay ayaa sarkaalka dilay waxaa uu ahaa ku xigeenkiisa waxaana uu dilka ka dhacay xafiis ay ku dhex leeyihiin Dekadda Magaalada Muqdisho.

Taliyaha la dilay iyo sarkaalka ayaa  waxaa la sheegay inay  ku murmeen lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Dekadda Muqdisho,

Sarkaalkan ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay nin isaga ku xigeen u ahaa, iyada oo ilaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa.

Ciidamada ammaanka gudaha Dekeda Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglaha dilka geystay, waxaana laga dhigay Dareeska iyo Hubkii uu watay, iyada oo garba duub loo xiray, kadibna Gaari lagu kaxeeyay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Badda ee ciidanka xoogga dalka iyo laamaha ammaanka ee dowladda oo ku saabsan dilka loo geystay Taliyaha ka tirsan qeybaha Talisyada Ciidamada Badda Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)