});

Howlgalo lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al shabaab oo laga fuliyay Gobolka jubbada hoose

khamiis, jan 18,2018(HNN) Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kashanaya ciidamo Mareykan ah ayaa howlgalo kafuliyay deegaan lagu magacaabo Baar Sanguuni oo Kismaayo u jira 45km ee gobolka jubbada hoose.

Howlgalkan ayaa la sheegay inay qeyb ka qaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopter ah, iyagoo duqeeyay fariisimo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 43aad Jen. Ismaaciil saxardiid ayaa u sheegay Idaacada ku hadasha afka Ciidamada xoogga dalka in duqeynta iyo weerarka ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in weerarka lagu dilay  illaa 7 dagaalyahan iyo afar sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo gacanta ku dhigay labo ka mid ah gaadiidka dagaalka.

ugu dambeyntii Ma ahan markii u horeysay oo weeraro wadajir uga fuliyaan Jubadda Hoose ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab iyo Ciidamo Mareykan ah.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)