Advertisements
Advertisements

Wafdi ka socda QM,IGAD ,Midowgga Afrika iyo itoobiya oo gaaray Magalaada dhuuso-mareeb

khamiis,jan 18,2018(HNN)  Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo Wafdi uu hoggaaminayay  ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Munaasabadda dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.

Micheal Keating oo ay wehliyeen Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, IGAD, Safiirka Itoobiya iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku so dhoweeyay Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Munaasabadda midowga Galmudug, iyadoo sidoo kale munaasabada ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Munaasabaddan ayaa waxay dhabaha u xaari doontaa, sidii Galmudug ay saldhigan laheyd magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda maamulka.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka socda AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka guud ee magaalada.

Ugu dambeyntii Xubnaha Beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Munaasabadda midowga Galmudug, iyadoo sidoo kale munaasabada ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)