Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Madaxweyne Farmaajo oo hal arin ku ammaanay shacabka reer Guriceel

jimco,jan 19 , 2018 (HNN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  iyo Wafdi u hogaaminayo oo safar ku maraya qeybo ka mid ah deegannada Galmudug ayaa maanta safar dhanka dhulka ah  ku tagay Magalaada Guriceel ee gobolka Galgaduud  kadib markii ay ka ambabaxeen Caasimada Galmudug ee dhuuso-mareeb.

Safarkan ayaa waxaa Madaxweynaha Somaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku wehelinaya, Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaale Geele Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed shaakir Cali Xassan, Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed ah, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale oo qeyb ka ah socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Magalaada Guriceel ku amaanay sida ay iskaga difaaceen Al shabaab.

“Waxaan ognahay in magaaladan ay tahay middii ugu horreysay Soomaaliya ee Alshabaab la dagaalanta, taasina waxa ay ka tarjumeysaa soomaalinimadiina, diin iyo dal jaceylkiinna.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay wax ka qabashada baahiyaha shacabka sidaa darteedna laga hirgelinayo magaalada Guriceel mashaariic ay ka mid tahay kor u qaadista xirfadaha shaqo iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor inta uusan ka soo safrin magaalada Dhuusamareeb waxa uu halkaas ka dhagax dhigay mashaariic kor loogu qaadayo kaabeyaasha dhaqaalaha kuwaaso ay ka mid yihiin, dhismaha garoonka diyaaradaha iyo xabsiga magaalada Dhuusamareeb, xarunta agoomaha iyo dayactirka laamiga isku xira Gobollada Dhexe.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay gobolka Galguduud waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti qaadkan loogu sameeyey hooyga Ugaaska uu ka degenyahay magaalada Guriceel ayaa uga mahad celiyey hoggaanka iyo bulshada magaalada diirranaanta ay u soo dhaweeyeen.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)