Advertisements
Advertisements

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi u horkacayo oo gaaray Magalaada Guriceel

jimco,jan 19 ,2018(HNN) Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wafdi u hogaaminayo ayaa maanta safar dhanka dhulka ah ku tagay Magalaada Guriceel ee gobolka Galgaduud kadib markii u ka soo ambabaxay Magalaada dhuuso-mareeb ee caasimada Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa waxaa Magalaada Guriceel ku soo dhaweyay, Maamulka degmada Guriceel waxgarad,dhalinyaro,haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed ducaale Geelle Xaaf,Madaxa Xukumadda Sheekh Maxamed shaakir Cali Xassan,Wasiiro iyo xildhibaano kala dowlada Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowlada Federaalka Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa lagu wada in inta u joogo Guriceel u kulamo la qaato Waxgaradka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)