Advertisements
Advertisements

DHAGEYSO: Dowlada Federaalka oo sheegtay in lala xisaabtami doono ha’yadaha samafalka

jimco, jan 19 ,2018(HNN) Wasiirka qorsheynta  dowlada Federaalka ee Somaliya  Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in  ha’yadaha ka howlgala dalka  lagula xisaabtami doono lacagta soo gasha halka ay ku bixiyaan.

Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in dalka ay ka howlgalan 23 ha’yadood oo UN-ka ka tirsan islamarkana lala xisaabtami doono.

Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay tan iyo 2011-kii Soomaaliya in loogu deeqay lacag dhan 4.6 Bilyan oo Dollar, Soomaaliyana aysan weli ka muuqan lacagtaasi, welina ay jiraan xaalado bini’aadanimo.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)