Advertisements
Advertisements

Madaxweynaha dowlada Federaalka Somaliya oo maanta ku wajahan Magalaada….

jimco, jan 19 , 2018 (HNN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Guri-ceel ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.

Magaalada Guri-ceel waxaa ka socda diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soiomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha.

Madaxweynaha  ayaa lagu wada in  magaalada Guri-ceel uu kulamo kula  la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada.

Ammaanka Magaalada Guri-ceel ayaa aa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamo horudhac u ah safarka Madaxweynaha oo gaaray Guri-ceel ayaa sameeyay Howlgal hub ka dhigis ah oo ay ku qaadeen Maleeshiyaad.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarka uu ku marayo magaalooyinka qaar ee dalka ayaa waxaa la sheegay inu ku soo gaba gabeyn doono  Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)