Advertisements
Advertisements

Sarkaal Ajanbi ah oo ka tirsana Al shabaab oo lagu dilay sh/dhexe ( dalka u dhashay)

jimco, jan 19, 2018(HNN) Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27,  General Maxamed Axmed Macalin (Koronto) oo u warmay laanta  Afka Soomaliga ee VOA ayaa Sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay Dagaal culus ay kula jiraan Dagaalamayaasha Al-Shabaab,islamarkaana waxaa uu Tilmamay inay gobalka Shabeelaha Dhexe ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

General Koronto ayaa sheegay Howlgal maalmo kahor ka dhacay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe in Ciidanka xoogga dalka ay ku dileen nin Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Shabaab, kaasi oo uu sheegay inuu ka soo jeedo wadanka Comoros.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidamada xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed Macalin ( Koronto) ayaa tilmaamay in Howlgaladan ay yihiin kuwo sii socon doonaan.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowka Africa ee nabad ilaalinta u jooga gudaha dalka ayaa kordhiyay howlgallada lagu baagsanayo Alshabab kuwas oo ay ka sameynayeen Gobalada Shabeelooyinka jubbooyinka, Hiiraan, Bay iyo Bakool waxaana howlgaladaasi lagu dilay Xubo ka tirsanaa Alshabab halka kuwa kalana nolosha ay ku qabteen.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)