Advertisements
Advertisements

Akhriso: Ganacsade Somaliyeed oo lagu toogtay Magalaada Johansenbeg

Sabti,jan 20, 2018(HNN) Allaha unaxariiste  Liibaan Cali oo ka mid ahaa ganacsatada Somaliyeed ee ka shaqeysa dalka koonfur Afrika ayaa kooxo hubeysan ku toogteen goob ganacsi oo u ku lahaa Magalaada  Johansenbeg.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ku nool, ayaa walaac xoogan ka muujiyay falkan dilka ah ee loo gaystay muwaadinkan Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka South Afrika.

Ugu dambeyntii Marka laga soo tago dilalka qorsheysan ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaca loo geysanayo goobohooda ganacsi ayaa hadana waxa ay dhibaatooyin ku qabaan helida sharciga dal ku jooga oo ay bixiso Dowladda South Afrika.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)