Advertisements
Advertisements

Akhriso: Guudoonka Baarlamaanka Federaalka oo go’aan ka soo saaray is qab qabsiga go’aan ka gaarista Maqaam-ka Muqdisho

Sabti,jan 20,2018(HNN) Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka  ayaa War saxaafadeed ka  soo saaray go’aan ka gaarista Maqaamka Caasimadda  Muqdisho taaso xiligan khilaaf ka dhax abuurtay Madaxda dowlada Federaalka iyo Guudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

“Maqaamka magaalada madaxda Federaalka  waxaa go’aan looga gaari doonaa  dib u eegidda dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Guddoonka Golaha shacabka.

Sidoo kale Guddoonka Golaha shacabka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga hortago wax walba oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo khilaafaad Dastuuri ah.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)