Advertisements
Advertisements

Akhriso: Ugaasyo & Waxgarad difaacay Gudoomyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho

Sabti,jan 20, 2018(HNN) Ugaasyo iyo waxgarad kulan  ku yeeshay Magalaada Muqdisho ayaa  bayaan ka soo saaray Warsaxafadeed shalay ka soo baxay Madaxweynaha dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo islamarkana ku saabsana inaan la bixin Karin dhulka danta, guud iyo ariimo kale.

Waxgaradka ayaa sheegay inaysan jirin warqad rasmi ah oo Guudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed loo soo gudbiyay oo ku saabsan ariimaha dhulka,taasina ay u muuqato sida ay sheegeen mid lagu sumcad dilayo Guudoomiyaha gobolka Banaadir.

dubabka dhaqanka iyo waxgaradka ka qeyb galay kulanka ayaa sido kale bayaankooda ku sheegay in Guudoomiyaha  gobolka Banaadir ahna duqa Magalaada Muqdisho u yahay shaqsi karti badan islamarkana lagu xasuusto kaalintii u ka qaatay gurmadkii 14-kiii October qaraxii Zoobe ee Magalaada Muqdisho.

Xubnaha ka qeyb galay kulanka ayaa isku afgartay in la magacaabo guddi ka kooban dubabka dhaqanka iyo waxgaradka beellaha dega gobolka Banaadir kuwaaso ka arinsan doonaan masiirka iyo mustaqbalka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa kal hore ku dhaawaqay in 7-dii bishan la qabto shirweyne looga arinsanaayo matalaadda caasimadda iyo nabad galyadda laakiin waxaa ka hor timid oo diiday dowladda Soomaaliya sidda ay sheegeen waxgaradka.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)