Advertisements
Advertisements

Ciidamada kenya oo duqeyn ka geystay Magalaada Ceel waaq ee Gobolka Gedo

Sabti,jan 20,2018(HNN) Ciidamada  dowlada kenya ayaa lagu soo warmaya inay duqeyeen  guryo iyo anteeno ay laheyd mid ka mid ah shirkadaha isgaasiinta ee ku yaala Magalaada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta kaddib ay ciidamada Kenya gudaha u soo galeen degmada Ceelwaaq oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda.

Saraakiisha Ciidamada kenya  ayaa  dhowr jeer oo hore  sheegay  in weerarada laga geysto gudaha Kenya laga soo abaabulo Ceelwaaq.

ugu dambeyntii Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Ciidamo Kenyan ah oo ka soo gudbay xuduuda iyo Ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dagaalameen degmada Ceelwaaq, kaddib markii Ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa la dagaalanka Argagixisada ay isu soo ekeysiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay kala shakiyeen iyaga iyo ciidanka dowladda, iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhintay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)