Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Wasiirka Aminga Hirshabeelle oo kulan la qaatay Saraakii kala tirsan Booliska Hirshabeelle & Milatariga

Sabti,jan 20,2018(HNN) Wasiiirka Amniga iyo Dhaqan celinta  Dowlada Goboleedka Hirshabelle Cabdulqaadir Aadan Jeelle  ayaa maanta Magalaada Jowhar ee gobolka shabeellaha dhexe kulan kula qaatay  Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Generaal Maxamuud Maxamed Koronto,Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle Gashaanle Sare Xassan dhicisow Xassan,Taliyaha  qeybta  Booliska gobolka Gobolka shabeellaha dhexe Col Aadan Yarow Xuseen iyago ka wada hadlay adkeynta  Amaanka deegannada Hirshabeelle.

Cabdulqaadir Aadan Jeelle ayaa Saraakiisha ka qeyb galay kulanka kula dardaarmay in la xoojiyo amaanka deegannada Hirshabeelle islamarkana u balan qaaday inay Ciidamada ka howlgala deegannada Hirshabelle ay heli doonaan Tababaro iyo  xaquuqda ay lee yihiin.

“Ciidamada Booliska Hirshabelle waxa ay heli doonaan tababaro iyadoo xarumo cusubna laga furi doono magaalooyinka Hirshabelle.”ayuu yiri Wasiirka Amniga iyo Dhaqancelinta Hirshabelle Cabdulqaadir Aadan jeelle.

Ugu dambeyntii Sidoo kale kulankan ayaa loogaga hadlay sii xoojinta amniga dowlad goboleedka Hirshabelle waxaana diirada lagu saaray amaanka wadada u dhexeysa Magaalada Jowhar iyo Muqdisho taaso dhowr mar howlgalo ay ka fuliyeen dagaalyannada Al shabaab islamarkana weerar iskugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ay ku qaadeen Ciidamada dowlada ee u kala safra qeybo ka mid ah gobolka shabeellaha dhexe.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)