Advertisements
Advertisements

Hordhac: Manchester City Vs Newcastle United

Sabti, jan,20,2018(HNN) Manchester City  ayaa maanta oo sabti ah kulan aad u xiiso badan Etihad Stadium kula ciyaari doonta kooxda Newcastle United oo dhanka kala sareynta horyaalka Premier League-ga kaga jirta booska 15aad, kulankan ayaana ka tirsan kulamada 24-aad horyaalka dalka England.

Pep Guardiola iyo wiilashiisa ayaa waxay doonayaan in kulankan ay guul muhiim ah ka gaadhaan, si ay dib ugu soo laabtaan wadada guulaha, kadib guuldaradii xanuunka badneed ee kasoo gaadhay kulankii lasoo dhaafay kooxda Liverpool, halka Newcastle United uu isna hogaaminayo Rafael Benitez ay doonayaan gaadhaan guushoodii saddexaad ee xidhiidh ah meel ka baxsan garoonkooda.

Manchester City: 

Manchester City ayaa waxaa ka maqnaan doona daafac dambeedka bidix Fabian Delph, ka dib markii uu seegay kulankii guuldarada kasoo gaadhay axada kooxda Liverpool.

Daafaca reer Brazil ee Danilo ayaa la filayaa inuu kulankan dhaawac ku seego iyadoo Benjamin Mendy uu weli ku maqan yahay dhaawac dhanka jilibka ah muddo aad u fog.

Gabriel Jesus ayaan sidoo kale la heli karin kulankan ka dib markii uu dhaawac jilibka ka soo gaaray kulankii Crystal Palace ee bilawgii sanadan cusub.

David Silva ayaa laga yaabaa inuu bedelo Ilkay Gundogan khadka dhexe ka dib markii ciyaaryahanka reer Spain uu seegay kulankii Anfield ay kala soo laabteen guuldaradii xanuunka badneed.

Newcastle

Newcastle ayaa heysata dhaawacyo cusub, inkastoo Jesus Gamez, Florian Lejeune iyo Aleksandar Mitrovic ay dhamaantood shaki ku jiraan in kulankan ay ka qeyb qaadan karaan.

Weeraryahan Dwight Gayle ayaa la filayaa inuu ciyaaro inkastoo laga saaray kulankii barbaraha ay wada galeen kooxaha Newcastle iyo Swansea.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Kulanka 24 aad Ee Horyaalka Premier League

Kulanka: Manchester City  Vs Newcastle United

Garoonka: Etihad Stadium

Waqtiga: 20:30 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

* Manchester City ayaan laga badinin 20kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League-ga ay kula ciyaartay kooxda Newcastle United, waxay guul gaadhay 17 jeer, halka 3-da kulan kale ay wada galeen barbaro, waana guuldaradii ugu badneed ee abid kooxi ay kasoo gaadhay horyaalka Premier League-ga.

* Newcastle United ayaa guul dareesatay dhamaan sideedii kulan ee ugu dambeysay ay kula soo ciyaartay Manchester City Etihad Stadium, laakiin abid ma aysan kusoo guuldareesan 9 kulan ee xidhiidh ah koox ka dhisan horyaalka Premier League-ga tan iyo Tottenham Hotspur inta u dhaxeysay 1928 iyo 1956.

* Sergio Aguero ayaa ka qeyb qaatay 13 gool ay kooxdan Manchester City kasoo dhalisay Newcastle, wuxuu dhaliyay 11 gool halka sidoo kale uu caawiye ka noqday 2  gool kale.

* Weeraryahanka reer Argentine Sergio Aguero ayaa 11 gool kaga dhaliyay Newcastle horyaalka Premier League, kaliya labo ciyaaryahan ayaa ka dhalisan in ka badan goolashiisa taariikhda horyaalka Premier League-ga waana Michael Owen (13) iyo Wayne Rooney (15).

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Manchester City:

Ederson Moraes, Kyle Walker, John Stones, Nicolas Otamendi, Danilo, Kevin De Bruyne, Fernandinho, David Silva, Raheem Sterling, Sergio Aguero, Leroy Sane.

Newcastle United:

Karl Darlow, DeAndre Yedlin, Ciaran Clark, Jamaal Lascelles, Paul Dummett, Javier Manquillo, Matt Ritchie, Mohamed Diame, Jonjo Shelvey, Jacob Murphy, Joselu.


Fikradaha Akhristayaasha (0)