Advertisements
Advertisements

Madaxweynaha dowlada Federaalka oo maanta booqasho ku tagaya Caabudwaaq

Sabti, jan 20, 2018(HNN) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa maanta lagu wada inu booqdo Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Farmaajo oo xalay ku hoyday Magaalada Guriceel ayaa kulan la qaatay Maamulka degmada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan,waxa uuna Shacabka iyo Maamulka Guriceel ku amaanay sida ay ula dagaalameen Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)