Advertisements
Advertisements

Akhriso: Shaqsiyaad ku dhow Madaxweyne Farmaajo & RW kheyre oo xilal looga dhibay Gobolka Banaadir

Axad, jan 21,2018(HNN) Liiska Guudoomiye ku xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir ee u magacabay Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa waxaa ka soo dhax muuqday Kaaliyeyaashii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali kheyre.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga iyo Siyaasadda,Maxamed C/llaahi Maxamed oo loo yaqaano Maxamed Tuulah ayaa ka mid ahaa Hab mamauuska Madaxweynaha Farmaajo  islamarkana ka mid ahaa dhalinyaradii ka qeyb qaatay ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Cumar C/risaak Xuseen oo  ahaa Xogheynta Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa loo magacaabay xilka Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, waxaa lagu bedelay Zubeyda Mukhtaar oo xilkan heysay muddo 10 bilood ku dhow.

Cumar C/risaak ayaa sidoo kale ka mid ahaa kooxdii ololaha Madaxweyne Farmaajo, xilligii doorashada, inkastoo markii la magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u wareegay.

Ugu dambeyntii Dad badan ayaa aaminsan in ay yihiin dhalinyaro firfircoon, laakiin waxa su’aal badan laga keenayaa qibradooda shaqo, maadaama xilalka loo magacaabay ay yihiin kuwo culus.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)