Advertisements
Advertisements

Akhriso: Taabid Cabdi Maxamed oo aqbalay xil ka qaadista lagu sameyay labo ariimoodna u sababeyay

Axad, jan 21,2018(HNN) Guudoomiyihii Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo xil ka qaadis u ku sameyay Madaxweynaha dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa aqbalay xil ka qaadista lagu sameyay.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa dowlada Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada ka dalbaday in xayiraada laga kor qaado xaruunta dowlada hoose ee Xamar oo maanta ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Federaalka.

Guudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in  labo ariimood ay sabab u tahay khilaaf siyaasadeed.

1  Xasiloonida iyo nabad galyada Gobolka Banaadir waa mid si guud iyo si gaar ahba ugu baahan nabadooninmo iyado la ilaalinayo sareynta sharciga.

2 Shirkii wadatashiga nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir oo ahaa shir looga tashanayay laguna soo bandhigayay aragtida muqdishaawiga oo ku aadan adeeg asaasiga horumarinta dhaqaalaha,amniga iyo ariimaha siyaasada oo ugu horeyso matalaada dastuuriga ah ee saddexda milyan ee ka maqan.

Ugu dambeyntii Guudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa loo magacabay wasiirkii Warfaafinta dowlada  Federaalka Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow,waxan sido kale la magacabay guudoomiye ku xigeeno kadib markii xilka laga qaaday kuwii hore.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)