Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Cod gacan tag ah oo lagu doortay Guudoomiyaha Gobolka Banaadir

Axad, jan 21,2018(HNN) Guddoomiyeyaasha  17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmooyinka ayaa Guddoomiye Taabid Cabdi u doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.

In ka badan  70 xubnood oo isugu jira Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo xubnaha golaha deegaanka degmooyinka ay doorasho u dhacday qaab gacan taag ugu codeeyay Taabid Cabdi Maxamed.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada Mr Ereg ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo xusay in golayaasha degmooyinka ay u doorteen Taabid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.

Ugu dambeyntii Arrintan ayaa sii xoojineysa xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Banaadir, taasoo maalmihii la soo dhaafay circa isku sii shareertay, taasoo ka dhalatay arrinta Maqaamka Caasimadda Muqdisho.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)