Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Madaxweyne Farmaajo oo socdaalka dib u heshiisiinta ku maray Balanballe, Xeraale, Huurshe iyo Caabudwaaq

Axad, jan 21,2018(HNN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ku maraya deegaannada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa hadda ku sugan Magalaada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha oo  ka ambabaxay Magaalada Guriceel ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaale Geelle Xaaf, ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi,Madaxa Xukumadda Galmudug sheekh Maxamed shaakir Cali Xassan, iyo xubno ka tirsan dowlada Federaalka iyo Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo goob fagaare ah kula hadlay shacabka ku dhaqan magaalada Cabudwaaq ayaa yiri “Waxa uu socdaalkeennu yahay nabadeeyn iyo dib u heshiisiin taas oo ay calaamad u tahay midowga Ahlu Sunna iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan ku faraxsanhy sida ay labada dhinac isugu tanaasuleen. Runtii taas waa wax lagaga dayan karo, ayna tahay in ay magaaladan ka bilaabato.”

Wafdiga  Madaxweynaha oo safar kusoo maray Degmada Balanballe, Xeraale iyo Huurshe ayaa u sheegay shacabkii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa in horumar kasta oo laga hirgelinayo deegaannadan uu ku xiranyahay sida ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay waxa uu socdaal ku marayey qeybo ka mid ah Goballada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguduud, isagoona u kuur galayey baahiyaha nololeed ee bulshada ku dhaqan gobolladaas.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)