Advertisements
Advertisements

Madaxweynaha dowlada Federaalka oo xilka ka qaaday Taabid Cabdi Maxamed & Wasiirkii Warfaafinta oo loo magacabay

Axad,jan 21,2018(HNN) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa digreeto goor dhow uu soo saaray waxaa uu xilkii uga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ahaa Wasiirka Warfaafinta.

Xilka qaadista ayaa ka dambeysay saacado kaddib, markii xalay Golayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku dhawaaqeen inay u doorteen Taabid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)