Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Wasiirka Maaliyada Hirshabeelle & Xubno ka socda ASSF oo hal arin u tagay Baladweyne

Isniin, jan 22, 2018(HNN) Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ay weheliyaan,Xubno ka socda Sanduuqa  horumarinta Somaliya ee ( ASSF) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweyay Garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee Magalaada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ku soo dhaweyay Guudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Xuseen  Muumin Cismaan,Guudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow,Guudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyada degmada Baladweyne, khadar Xassan Afrax, iyo Xubno kale.

Guudoomiye ku xigeenka aminga iyo siyaasadda Gobolka Hiiraan Xuseen muumin Cismaan iyo Guudoomiyaha degmada Baladweyne  Maxamed cismaan Cabdi Qalafow ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imashaha wafdigan u horkacayo Wasiirka Maaliyada dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Daa’uud  Cali  Raaxooy oo ka mid ah  Xubnaha ka socda Sanduuqa horumarinta Somaliya ee ( ASSF) ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan  qeybaha kala duwan ee bulshada inta ay  joogan Magaalada Baladweyne.

Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in hadafka ay u yimadeen ay tahay sidi loo ogan laha baahiyaha ay qaban bulshada ku nool Magalaada Baladweyne kadibna loo fulin laha mashaariic lagu horumarinayo Magalaada.

“ Xubnaha ila socda waxay ka socda sanduuqa maalgalinta horumarinta lagu dajinayo Somaliya (ASSF) waxay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada waxay dhageysan doonaan aragtiyooda qaabka ugu haboon ee loo fulin karo mashaariicda,waxana arintan ay qeyb ka tahay mashaariicdii u sheegay in la fulin doono Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi waare ayuu’yiri Wasiirka Maaliyada Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyada Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle  iyo xubnaha la socda ayaa inta ay joogan Magalaada Baladweyne lagu wada inay kulamo la qaatan,Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada islamarkana ay ka wad hadli doonaan qaabka ugu haboon ee loo fulin karo mashaariicda.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)