Advertisements
Advertisements

Hal qof oo dumar ah oo ku dhimatay Ciidamo ka wada tirsan dowlada oo ku dagaalamay Muqdisho

isniin, jan 22, 2018(HNN) Ugu yaraan qof oo dumar oo  ka mid ah dadka ganacsiga ku leh Suuqa degmada Kaaraan ayaa ku dhimatay iska horimaad Ciidamo ka wada tirsan dowlada Federaalka ku dhaxmaray suuqa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan oo ku labisnaa dharka ciidamada ayaa isku rasaaseeyay gudaha Suuqa Kaaraan, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa uu salka ku haayo iska hor imaadka.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabad sugida iyo Booliska ay gareen goobta iska horimaadka ku dhaxmaray Ciidamadan ka wada tirsan dowlada Federaalka.

Ugu dambeyntii Mahan markii ugu horeysay oo Ciidamo ka wada tirsan kuw dowlada iska horimaad ku dhaxmaro Magalaada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)