Advertisements
Advertisements

Madaxweynaha Soomaaliya oo kusii Jeedda Degmada Hobyo

Isnin, Jan 22, 2018, (HNN) Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kusii jeedda degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagaayo Magaalada Hobyo, ayaa wuxuu la xiriira dhagax dhigida dhismaha Dakadda magaalada Hobyo oo maamulka Galmudug ay si wayn u daneynayaan.

Wafdiga madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxay degmada Cabudwaaq oo ay shalay kaga qeyb galeen furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq,isagoona bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Hobyo ka dib la filayaa inuu gaaro magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii KMG ee maamulka Galmudug.


Fikradaha Akhristayaasha (0)