Advertisements
Advertisements

Akhriso: Madaxweyne Xaaf oo Cadaado u Magacaabay inay noqoto

Talaado, jan 23, 2018(HNN) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed ducaale Geelle ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa ku sheegay in cadaado ay tahay hooyada Galmudug islamarkana aan la iloobi doonin doorkii ay ku laheyd dhismaha Galmudug.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay inay maanta laga bilaabo Cadaado ay saldhig u noqon doonto.

  1.  Xaruunta Baarlamaanka Galmudug.
  2. Xabsiga dhexe ee Galmudug.
  3. Xaruunta Tababarka Ciidamada Booliska Galmudug.
  4. Xaruunta Jaamacadda Umadda qeybteeda Galmudug.

Wareegtadan ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa imaneysa kadib markii Magalaada Cadaado maanta u kulan ku dhaxmaray Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo waxgaradka reer Cadaado lagu soo afjaray tabasho ay qabeen.


Fikradaha Akhristayaasha (0)