Advertisements
Advertisements

Akhriso: Wasiirka Xanaanada Xolaha Hirshabeelle oo amar ku soo rogay ha’yadaha ka howlga deegannada Hirshabeelle

Talaado, jan 23 , 2018(HNN) Wasiirada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaq dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa amar ku soo rogtay ha’yadaha ka howlgala deegannada Hirshabeelle ee ka shaqeya ariimaha xoolaha iyo deeganka.

Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in mudooyinkii ugu dambeyay ay soo batay ha’yado olole talaal ah ka fuliyay qeybo ka mid ah deegannada Hirshabeelle islamarkana aan laga war qabin sidaas darted looga bahan yahay ha’yadaha ka shaqeeya ariimahan inay soo buuxiyaan sharuudahan.

1 Waa Inuu iska diwaan galiyay Wasaarada xanaanada xoolaha Hirshabeelle.

2 Waa inuu keena cadeyn ku saabsan waxqabadkiisa.

3 Waa inuu wasaarada ku soo war galiya howlaha u qabanayo nuuca talalka iyo daawada, si wasaarada ay u hubiso.

4 Waa inay soo gudbisa  qorshe howleedkiisa 2018( Action plan)

5 waa inay soo war galiyaan maamulka gobolka si loo sugo amaankooda inta ay ku guda jiran howlaha ay qabanayaan.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)