Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado inu tago Hobyo & diyaar garow ka socda

Talaado, jan 23, 2018(HNN) Madaxweynaha dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wada inay booqasho ku tagan Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Booqashada  Madaxweynaha dowlada Federaalka ku tagayo Magaalada Hobyo ayaa waxaa ku wehelinaya, Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaale Geelle Xaaf,Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed shaakir Cali Xassan,wasiiro,xildhibaano iyo masuuliyin kale.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa lagu wada inu si rasmi ah u dhagax dhigo dekedda Hobyo ee gobolka Mudug, si dib u dhis loogu sameeyo.

Ugu dambeyntii Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa hadda ku sugan Guudoomiyaha guddiga di  u eegista dastuurka labad gole  ee dowlada Federaalka Senater Cabdi Xassan Cawaale qeybdiid. Xildhibaan  Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Ubax Tahaliil Warsame iyo xubno kale kuwaaso hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)