Advertisements
Advertisements

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Hobyo

Talaado,jan 23, 2018(HNN) Magalaada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa gordhow gaaray Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo kadib markii diyaarad qaas ah ka soo qaaday Magalaada Cadaado.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa waxaa magaalada Hobyo ku soo dhaweyay xildhibaano ka tirsan dowladda oo horey u sii joogay Hobyo, maamulka,waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa inta u joogo Magalaada Hobyo kulamo kula qaadan doona,waxgaradka, maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada islamarkana dhagax dhigi doona Dekedda Hobyo.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)