Advertisements
Advertisements

Qarax Miino oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Talaado, jan 23, 2018(HNN) Qarax miino ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Tareedisho oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso oo meelaha fog laga hago ayaa xoogag Al-shabaab waxa ay la eegteen Gaari Cabdi Bile ahaa oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Qaraxan in ay ku dhinteen Sarkaal laba xidigle ahaa iyo Saddex Askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay dhaawac ilaa Lix qof oo shacab ah, kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaad ee halkaasi ka akdhow.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo goobta ka qaaday Ciidamadii ay waxyeelada soo gaartay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Qaraxaasi inay ku dileen Cabdi Xasan (Biyo Quute) oo mar ahaan jiray Gudoomiyaha Degmada Ceel-Buur, laakiin ka tirsan Saraakiisha ciidamada Militariga dowlada Soomaaliya.

Ma cadda Sarkaalka Qaraxaasi ku dhintay inuu yahay Cabdi Xasan Biyo Quute iyo inuu yahay Sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

 

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)