Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Wasaaradaha Ariimaha dastuurka,Ariimaha gudaha iyo Guddiyada Madax banaan oo shir ku yeeshay Muqdisho

Arbaco, jan 24, 2018(HNN) Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabaty Kulan wada jir ah oo u dhaxeeyay Wasaaraddaha  Arrimaha Dastuurka,  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Madax banaan ee Arrimaha Federaalka iyo Xuduudaha.

Xubnaha ka qeyb galay kulanka ayaa  sheegay in loo bahan yahay in wada jir loogu shaqeeyo bulshada.

Guddiyada Madax banaan ayaa Wasaaradaha ka codsaday in ay  soo dedejiyaan diyaarinta shuruucda muhiimka u ah ee ay ku xiran yihiin  hawlaha ay qorsheysteen in ay sanadkan qabtaan islamarkana ay ku saabsan dib u eegista dastuurka.

Madaxda ka socotay Wasaaradaha ka qeyb galay kulanka ayaa ballan qaaday in ay fulin doonaan codsiga Guddiyada si sanadkan ay guul uga  gaaraan hawlaha ay
qorsheysteen.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa maalmihii dambe waday in ay xiriir wanaagsan oo wadashaqeyneed la yeelato hay’adaha ay hawsha kala dhaxeyso si guul looga gaaro Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Maxamed Cabdi  Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)