Advertisements
Advertisements

In ka badan 27 ruux oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Magalaada Benghazi

Arbaco, jan 24, 2018(HNN) Ugu yaraan 27 ruux ayaa ku dhimatay 32 kalan way ku dhawacmeen kadib markii qarax loo adeegsaday gaari u ka dhacay meel ku dhow Masaajid ku yaala Magaalada Benghazi ee dalka libiya.

 Afhayeenka Ciidamada Militariga iyo Booliska Capt. Tarek Alkharraz, ayaa sheegay in qaraxa hore u ka dhacay Salmani neighborhood kan labaadna  u dhacay kadib markii dadka deeganka iyo dhaqaatiirta ay timid goobta islamarkana ay ku dhinteen 27 ruux.

Hani Belras Ali oo ka mid ah Saraakiisha Caafimaadka dalka libiya ayaa sheegtay inay weerarkan ay ku dhimatay 27 ruux halka 32 kalan ay ku dhawacmeen.

Ilaa hadda ma jirto kooxo sheegtay masuuliyada weerarkan xalay ka dhacay Magaalada Benghazi.

Qaramada Midoobay ayaa Cambareysay weerarkan iyado ku tilmaamtay mid ka dhan ah xaquuqda dadka rayidka ah.

Abdijamal Moalim Ahmed.

Hiilnews.com

Abduljamal20@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)