Advertisements
Advertisements

Khasaaro ka dhashay qarax miino oo ka dhacay Muqdisho.

khamiis, jan 25, 2018(HNN) Hal qof oo shacab aha ayaa ku dhawacmay qarax miino oo ka dhacay inta u dhexeysa  Isgoyska Tarbuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxan miino lagu aasay darbiga guri ku dhow isbitaalka  digfeer ee Magaalada Muqdisho islamarkana lala eegtay  Akari ka tirsan ciidamda dowlada balse ay ka badbaadeen.

Ciidamada Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo tagay goobta ayaa wada howlgalo lagu baadi goobayo cidi ka dambeysay qaraxan miino.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxayo iyo dilal qorsheysan oo ay geystan  dagaalyannada Al shabaab.

Abdijamal Moalim Ahmed.

Hiilnews.com

Abduljamal20@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)