Advertisements
Advertisements

Arsene Wenger Oo Si Dadban U Xaqiijiyay In Imaatinka Aubameyang & Bixitaanka Olivier Giroud Ay Isku Xiran Yahiin

Tababare Arsene Wenger ayaa si dadban u xaqiijiyay in imaatinka Pierre-Emerick Aubameyang iyo bixitaanka Olivier Giroud ay isku xiran yahiin xilli uu ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee maanta, waxeyna arintaan imaaneysaa xilli suuqa January uu marayo dhamaad.

Warark Arsenal la xiriirimaya xidiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa isi soo taraya waxaana lagu soo waramay in Gunners laga diiday dalab dhan 50 Malyan oo Pound, halka kooxda ka dhisan Jarmalka ay dooneyso in ku dhan 60 Malyan oo Pound.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Chelsea ay xiiso u qabto xidiga joogga dheer ee Olivier Giroud, sidoo kalana waxaa jira rabitaan ka imaanaya dhanka Dortmund, kuwaas oo qudhooda u baahan xidig u badala Pierre-Emerick Aubameyang hadii uu baxo.

“Waxaan doonayaa in Olivier uu joogo. Kaliya waxaan kuu sheegayaa inuusan qofna imaaneynin hadii uusan qofna bixin. Laga yaabee hal ama laba ciyaartoy oo da’yar ah iney amaah ku aadaan meel, balse ciyaartoyda khibradda leh wey joogayaan ilaa uu imaado qof kale”

“Kuuma sheegi karo magac khaas ah, balse miyaan qof cusub qoran doonaa? waa macquul, waan isku dayeynaa, balse qofna kuma dhawin”

Xigasho laacib.net


Fikradaha Akhristayaasha (0)