Advertisements
Advertisements

Xiriirka Kubadda Cagta Spain Oo Sadex Kulan Oo Ganaax Ah Garka U Galiyay Diego

Tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa garka loo galiyay ganaax sadex kulan ah kadib markii uu si anshax xumo ah ula dhaqmay garsoorahii dhex-dhexaadinayay kulankii ay 3-1 qasaaro ah kala kulmeen Sevilla.

Atletico Madrid ayaa laga reebay tartanka Copa del Rey markii ay isku cel-celis ahaan 5-2 kaga baxsatay Sevilla, balse kulankii lugta labaad oo ay martida ahaayeen Diego Simeone ayaa casaan loo taagay kadib markii uu ka madax adeegay dhawr digniin oo kaga timid garsoorka.

Sida sharciga xiriirka kubadda cagta Spain uu qabo, Diego Simeone wuxuu xaq u lahaa inuu kaliya maro ganaax hal kulan ah, balse ciqaab kale ayuu mutay markii uu garsoore Juan Martinez Munuera u sacbiyay taasoo keentay in la kordhiyo ganaaxiisa,

Balse nasiib wanaag kaliya ganaaxa wuxuu quseeyaa Copa del Rey, isagoo sabtida soo fariisan doona kursiga keydka kulanka ay wajahayaan Las Palmas.

Dhanka kale Diego Simeone wuxuu ganaaxaan oo kale, balse hal kulan ah la kulmay sanadkii 2014 – waana waqtigii ay kooxdiisa sida fiican uga soo muuqatay La Liga.


Fikradaha Akhristayaasha (0)