Advertisements
Advertisements

Halayyga Liverpool Ee John Toshack Oo Shaki Xoogan Galiyay Mustaqbalka Tababare Jurgen Klopp

Halyeeyga kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Weles John Toshack ayaa wuxuu xaqiijiyay in macalinka reer Germany ee  Jurgen Klopp ay suuragal noqon doonto in laga ceydhiyo shaqada tababarka ee Reds hadii uusan kooxda kula guuleysan wax koob ah mustaqbalka dhow.

Jurgen Klopp ayaa wuxuu kusoo sugnaa kooxda Liverpool mudo dhan 27 bilood, wuxuuna ku guuldareestay inuu kula guuleysto wax koob ah, laakiin John Toshack oo kooxda Liverpool kula soo guuleystay 3 koob horyaalka dalka England mudada 8-da sano uu kusoo sugnaa ayaa aaminsan in dulqaadkii maamulka kooxda Reds ee ku aadanaa dhanka Klopp uu goor dhaw soo idlaan doono.

John Toshack oo sidoo kale Liverpool kula soo guuleystay 2 koob oo UEFA Europa League-ga  ahayaa wuxuu ugu horeen yidhi: “Xaalada kooxda Liverpool waa inay ku guuleysataa koobab, waxay u muuqataa in Klopp uusan lahayn muqaal laga dheehan karo rajo wanaagsan, way cadahay in ninka reer Germany uu kooxda ku hogaamiyay guulo muhiim ah, laakiin ma hubo, waxay ila tahay in dhamaadka xili ciyaareedkan ama kan soo aadan laga doonayo ku guuleysiga koobab”.

Halyeeyga kooxda Liverpoola ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Hadii aysan taasi dhicin, iyadoo loo fiirinaayo qaabka ay haatan ku socoto kubada cagta, kooxda waxay markale sameyn doontaa isbadal, waa xili ciyaareed muhiim ah ee lagu go’aamin doono mustaqbalka Klopp”.

Rajada kaliya ay qabi karto kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan ayaa ah ku guuleysiga Champions League iyo FA Cup maadaama ay wali qeyb ka tahay, balse horyaalka Premier Leagu-ga ayeey farqi dhibco aad u baadan ka hooseysaa hogaamiyaasha xili ciyaareedkan ee Man City.

Dhinaca kale John Toshack oo ka hadlayay rajada uu ka qabi karo in Liverpool ay ka bixi karto dhibaatada ka heysatay dhanka difaaca kadib imaatinkii Virgil Van Dijk ayaa wuxuu yidhi: “Liverpool waxay la kulantay goolal aad u tiro badan, inkastoo qaabka ay kooxda u ciyaartay uu ahaa mid soo jiidasho badan”.

“Balse inaad ku badiso 3 ama 4 gool ayaa noqon doona mid aad u adag, waxaan qabaa in Liverpool ay ku dhameesato booska kaalinta afaraad ee dhanka kala sareenta xili ciyaareedkan inay tahay rajada ugu fiican ay qabi karto”.

 Xigasho laacib.net.

Fikradaha Akhristayaasha (0)