Advertisements
Advertisements

Chelsea Oo Godkeeda Biyo Ugu Soo Galeen Madaama Ay Manchester City

Manchester City ayaa diyaar u ah inay 150 milyan ginni ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Chelsea Eden Hazard, sida ay saaka qortay jariirada Sunday Mirror.

Pep Guardiola ayaa u calaamadeystay xiddiga reer Belgium bartilmaameedkiisa koowaad ee xagaaga ka dib markii uu qirtay inuu isbedelka weyn ee uu ku sameeyay kooxdiisa inay u suurtogelin weysay inuu suuqa kala iibsiga ugu tartamo ciyaartoyda waa weyn.

Man City ayaa diiday inay bixiso dalabkii mushahar ee 400 kun ginni isbuucii ee Alexis Sanchez, taasoo keentay in xiddiga reer Chile uu ku biiro Manchester United isbuucii la soo dhaafay.

Laakiin Guardiola ayaa si dadban u sheegay in kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League ay mustaqbalka wax ka bedeli doonto miisaaniyadeeda suuqa kala iibsiga.

Waxaa City rajo gelisay hakadka ku yimid wadahadalkii qandaraas kordhinta Eden Hazard ee Stamford Bridge, waxaana ay rajeynayaa inay ka dhaadhiciyaan xagaaga inuu u wareego Etihad Stadium.

Guradiola ayaana u arka in Hazard oo 27 sanno jir ah inuu ka qiimo sareeyo Alexis Sanchez madaama uu haatan galayo halkii ugu sareysay ee waayihiisa ciyaareed.

Hadii wax xal ah laga gaari waayo qandaraas kordhintiisa Chelsea ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan markaas City waxa ay saxiixiisa kula tartami doonaan Real Madrid.

Hazard ayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib waxaa qandaraaskiisa Chelsea uga harsanaan doonta muddo labo sannadood ah, waxaana uu gaari doonaa halkii ugu sareysay ee qiimihiisa iyo mushaharkiisa. City ayaanse ka labalabeyn doonin inay u jabiso rikoorka suuqa kala iibsiga Britian.

Xigasho Laacib.net


Fikradaha Akhristayaasha (0)