Advertisements
Advertisements

Hordhac: Chelsea v Newcastle – Tababare Antonio Conte Oo Doonaya Iney Hormar Ka Sameeyaan Tartanka FA Cup-ka

Kooxda Chelsea ayaa dooneysa iney hormar ka sameyso tartanka FA Cup-ka, walow ay ka maqan yahiin ciyaartoy muhiim ah oo ay ka mid yahiin Thibaut Courtois, Morata iyo Willian, kuwaas oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Blues sanadka 2018 wuxuu ugu bilowday si aan wanaagsaneyn kaliya hal kulan ayey badisay marka laga hadlo ciyaaraha 90-ka daqiiqo kaliya la ciyaaray waxeyna guul ka heleen Brighton & Hove Albion kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Sidoo kale tartanka Carabao Cup waxaa ka cirib tiray kooxda ay cadawga yahiin ee Arsenal, sidaas darteed tartankaan waa kan sadexaad oo ay baaqi ku yahiin iney u tartamaan.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Chelsea vs Newcastle

Tartanka: FA Cup (Wareega 4-aad)

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 4:30 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Kevin Friend.

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Chelsea waxey weyneysaa tiro badan oo safka koowaad ah waxaana ka mid ah Alvaro Morata, Willian, Thibaut Courtois, halka Fabregas ay macquul tahay inuu kasoo muuqdo kulankaan.

Kenedy ayaan u ciyaari doonin kooxdiisa cusub ee Newcastle United madama uusan ka hor imaan karin kooxda milkiyadiida leh, dhanka kale Jesus Gamez ayaa kaliya ka maqan kooxda Rafael Benitez halka Florian Lejeune uu ciyaari karo.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Chelsea ayaa u gudubtay wareega xiga shan ka mid ah lixdii jeer oo ay isku arkeen FA Cup, iyadoo Blues markii ugu dambeysay ay 1-0 kaga badisay kooxda kasoo hor jeeda January 2006 – John Terry ayaana goolkaas qura dhaliyay.

Chelsea ayaan wax guuldaor ah la kulmin 10-kulan oo ay kulamada FA Cup-ka gurigooda kula ciyaartay kooxaha ka socda heerka koowaad, 8-guul iyo 2-barbaro, Arsenal ayaana aheyd kooxdii ugu dambeysay ee ku garaacda gurigooda, kulan ka tirsan wareega 6-aad ee tartankaan March 2003 kulan ku celis ahaa.

Shaxda Macquulka Ah:

CHELSEA:

Cabellero; Azpilecueta, Luiz, Christensen; Zappacosta, Alonso; Kante, Fabregas; Pedro, Hazard, Batshuayi.

NEWCASTLE:

Elliot; Yedlin, Lascelles, Clark, Dummett; Hayden; Murphy, Shelvey, Merin, Atsu; Joselu

Xigasho laacib.net


Fikradaha Akhristayaasha (0)