Advertisements
Advertisements

Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Deportivo Alaves

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxda Deportivo Alaves, waxayna kooxda Valverde doonaysaa in ay sii wadato rekoodhka cajiibka ah ee ay xili ciyaareedkan ku soo haysatay garoonkeeda iyada oo waliba isha ku haysa in ay sii dheeraysato hogaanka La liga.

Barca oo aan ilaa hadda wax guuldaro ahi ku soo gaadhin horyaalka La Liga ayaa haysata fursad fiican oo ay ku sii wadan karto rekoodhka guuldaro la’aanta iyada oo Alaves aan xili ciyaareedkan ku jirin qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay sanadkii hore soo bandhigtay.

Valverde ayaa markii ugu horaysay shaxdiisa ku soo bilaabay saxiixa taariikhda Barcelona ugu qaalisan ee Philippe Coutinho kaas oo caawa bilaabanaya waayihiisa horyaalka La Liga ee Barcelona wuxuuna ka garab ciyaari doonaa Luis Suarez oo uu Liverpool saaxiib dhaw kula ahaa si la mid ah Lionel Messi iyo Andres Iniesta oo dhamaan tood kulankan ku soo wada bilawday.

Ter Stegen ayaa goolka dib ugu soo laabtay waxaana difaaca dhexe markale ku wada jira Umtiti iyo Pique halka Lucas Digne uu badalay Jordi Alba wuxuuna ka ciyaari doonaa difaaca bidix waxaana khadka dhexe ku soo bilawday Poulinho iyo Ivan Raktic iyada oo  Sergio Busquets aanu shaxda Valverde kulankan ku soo bixin.

SHAXHAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

BARCELONA: Ter Stegen; Semedo, Piqué, Umtiti, Digne; Paulinho, Rakitic, Iniesta; Coutinho, Messi, Suárez,

Kaydka:13. Cillessen 5. Sergio 17. Paco Alcácer 18. Jordi Alba 20. S. Roberto 22. Aleix Vidal 24. Yerry Mina

Alaves: Pacheco, Alexis, Laguardia, Maripán, Duarte, Ibai Gómez, Medrán, Wakaso, H. Pérez, Guidetti, Rubén Sobrino.


Fikradaha Akhristayaasha (0)