Advertisements
Advertisements

Akhriso: Heshiiska Qaaliga Ah Ee Ay Arsenal Kula Soo Wareegeyso Xiddiga Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang

Sida ay shaacisay muuq baahiyaha Sky Sports Arsenal ayaa aad ugu dhow inay ogolaato heshiis 60 milyan ginni ah oo ay kula soo wareegayaan xiddiga Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, halka majalada Kicker ee ka soo baxda dalka Jarmalka ay iyadu baahisay in durbaba ay labada kooxood ku heshiiyeen 60 milyan ginni.

Sky Sports ayaa sheegtay in wadahadaladu ay weli u socdaan labada kooxood, laakiin aan weli wax heshiis ah laga gaarin weeraryahanka, inkastoo wararka Jarmalka ka soo baxaya ay sheegayaa in heshiis durbaba la gaaray.

Arsenal ayaa laga soo diiday isbuucii la soo dhaafay dalab kor u dhaafaya 50 milyan ginni oo ay u gudbiyeen Dortmund, iyadoo agaasimaha kooxda Jarmalka Michael Zorc uu sheegay in sida kaliya ee ay 28 jirkaan ku fasixi karaan ay tahay in miiska loo soo saaro lacagta ay doonayaan oo ah 60 milyan ginni.

Il ay soo xiganeyso Sky Sports ayaa xalayto sheegay in weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud uu weli qeyb ka ahaan karo heshiiska Aubameyang lagu keenayo Emirates Stadium.

Arsene Wenger ayaa sheegay Jimcihii in Giroud uusan bixi doonin ilaa iyo ciyaaryahan kale uu ka yimaado.

Aubameyang ayaa waxaa ku ooriyay taageerayaasha Dortmund ee garoonka Signal Iduna Park intii ay socotay kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Freiburg Sabtidii, waxaana ay soo bandhigeen boor ay ku qoran tahay: “Ma jiro ciyaaryahan ka weyn kooxdeena.”

Agaasimaha Dortmund Michael Zorc ayaa Sky Sports laanteeda Jarmalka waxa uu u sheegay Sabtidii: “Arsenal dhowr jeer ayay isku dayday inay la saxiixdaan Aubameyang, waana la soo diiday dhamaan dalabyadooda.

“Ama dalabaadkeena ayaa la aqbalayaa ama Aubameyang waxa u u ciyaari doonaa Dortmund ilaa iyo xagaaga.”


Fikradaha Akhristayaasha (0)