Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Gerard Pique oo heshiis cusub u saxiixay Barcelona

 Gerard Pique ayaa u saxiixay kooxdiisa Barcelona heshiis cusub kaas oo waqti dheer ku sii haynaya kooxda reer Catalonia.

Barcelona ayaa isbuucyo ka hor shaacisay inay heshiis la gaartay Gerard Pique si uu kooxda ugu saxiixo heshiis cusub.

Daafaca reer Spain ayaa u saxiixay kooxdiisa heshiis gaaraya ilaa 2022, waxaana lagu burburin karaa lacag dhan 500 milyan oo euro.

Laacibka iyo qoyskiisa ayaa xaadir ku ah maanta garoonka Camp Nou si ay uga qayb qaataan dabaal daga heshiis kordhintiisa.

Heshiiska Gerard Pique ayaa dhacaya marka laacibku uu noqdo 35 jir, taas oo ka dhigan inuu mustaqbalkiisa u hibeeyay Barcelona.

Xigasho GoolFM.


Fikradaha Akhristayaasha (0)