Advertisements
Advertisements

Garsoore Hore Oo Tilmaamay Inay Aheyd Inaan La Dhigin Laadkii Xortaa Ahaa Ee Lionel Messi Guusha Ugu Sahlay Barcelona

Kulankii horyaalka ee La Liga ee u dhaxeeyay Barcelona iyo Alaves ee ka dhacay Camp Nou ayaa si weyn isku bedelay daqiiqadii 71aad markii uu Luis Suarez shabaqa soo taabtay isagoo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Andres Iniesta ayaa daanta bidix kubad ka soo karoosay waxaana ay kubada ku dhacday gacanta Pique ka hor inta uusan xiddiga reer Uruguay shabaqa soo taabanin.

Garsoorihii hore ee La Liga Iturralde González ayaana u sheegay jariirada AS in kubadaas aysan aheyn gacan taabasho madaama uusan Pique u qasdin inuu kubada gacanta ku taabto, waxa uu yiri: “Ma ahan qalad kubad gacan ah. Waxa uu koontarooli waayay jirkiisa, waa uu sii dhacayay marka ay kubada gacantiisa ku dhacday.”

Si kastaba, garsoore Iturralde ayaa sheegay inay aheyd inaan la ogolaanin goolkii labaad ee ay ku badisay kooxda Barcelona, isagoo xusay in Alcacer uu garab dhaaf sameeyay wax yar ka hor inta aan la dhigin qaladkii keenay in Lionel Messi uu dhaliyo laad xor ah oo guusha u horseeday Barcelona.

Garsoore Iturralde ayaa tilmaamay in qaladka garab dhaafka ah inuu ka horeeyay kii laadka xorta ahaa loo dhigay taasna ay ka dhigeyso in goolkii labaad ee Barcelona uusan ansax aheyn.

Guusha ay gaartay Barcelona ayaa ka dhigeysa inay soo ceshato hogaankooda 11ka dhibcood ee horyaalka La Liga halka kooxda Alaves ay weli ku jirto seddex kaalimood ee ugu hooseysa horyaalka.

Barcelona ayaa isku diyaarineysa kulanka Khamiista ee Copa del Rey ee ay la ciyaarayaan kooxda horyaalka La Liga wacdaraha ka dhigeysa xilli ciyaareedkan ee Valencia.

Xigasho Laacib.net


Fikradaha Akhristayaasha (0)