Advertisements
Advertisements

XOG: Arsenal oo €50m ku dooneysa Carrasco

Waxaa lagu soo warramayaa in Arsenal ay diyaar ula tahay Atletico Madrid aduun dhan £44m oo ay uga dooneyso Yannick Carrasco dhammaadka ololahan.

24 jirka, kaliya 7 kulan ayuu La Liga ciyaaray kaddib markii ay soo shaac baxday in ay is maan dhaafeen Diego Simeone, kaas oo la fahansan yahay in uusan la dhacsaneyn qaab ciyaaeedka Belgium-ka.

Hase ahaatee, taas meesha kama saarin xiisaha Arsene Wenger oo la qabo in uu ka yelo xiddigga.

Majaladda Spanish-ka ah ee Mundo Deportivo waxa ay sheegtay in Gunners ay diyaar u tahay miiska in ay saarto €50m (£44m) si ay gegida Wanda Metropolitano uga so oaf duubto  Carrasco

Hase ahaatee, waxa ay u muuqataa in Atletico qiime intaa ka badan dalbdan doonto maadama Carrasco uu qandaraaska ka dhacayo 2020-ka.

Qiimaha Atleti dooneyso waa €100m (£88m).

Arsenal saxiixisa loolan ayey kala kulmi kartaa maadama ay dooneyso xiddigga kooxda Juventus.

Xigasho Gool FM.

Atletico Madrid’s Belgian midfielder Yannick Ferreira Carrasco (R) vies with Real Madrid’s Croatian midfielder Luka Modric (L) and Real Madrid’s defender Dani Carvajal during the UEFA Champions League semifinal first leg football match Real Madrid CF vs Club Atletico de Madrid at the Santiago Bernabeu stadium in Madrid, on May 2, 2017. / AFP PHOTO / JAVIER SORIANO


Fikradaha Akhristayaasha (0)