Advertisements
Advertisements

Mourinho oo sharaxay sababta loo bedelay Marouane Fellaini

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in dhaawac dartiis loo saaray Marouane Fellaini oo kaliya 7 daqiiqo kujiray garoonka kulankii xalay ee Tottenham.

Fellaini oo bedelay Paul Pogba qeybtii labaad ee kulankii guuldarro 2-0 kooxdiisa kasoo gaartay Tottenham, ayaa laga saaray isna kaliya markii uu todobo daqiiqo kujiray garoonka ka dib markii uu dhaawac jilibka kasoo gaaray 30 ilbiriqsi kaliya markii uu garoonka kujiray.

Mourinho ayaa si dhakhso ah u beeniyay in sabab la xiriirtay xeelada ciyaaarta uu u bedelay Fellaini, isagoo sheegay in arintani sabab u aheyd dhibaato kasoo gaartay jilibka.

“Waxa uu kasoo kacay dhawaan dhaawac jilibka ah” ayuu yiri tababaraha reer Portugal. “Nasiib darro ayay aniga igu aheyd dhaawaciisa, wuxuu u yimid kubada inuu ciyaaro, laakiin dhaawac ayuu kusoo baxay.”

Tababaraha United oo lagu dhaleeceeyay labada bedel ee uu xalay ka sameeyay garoonka, ayaa difaacay go’aankiisa isagoo sheegay kaliya inuu doonayay wax ka bedelka ciyaarta.


Fikradaha Akhristayaasha (0)