Advertisements
Advertisements

Leicester City oo ganaax lacageed kusoo rogtay xiddiga Riyad Mahrez

Leicester City ayaa lagu soo waramayaa iney aduun dhan 200,000 kun ganaaxday xidiga reer Algeria kadib markii uu ku fashilmay inuu kasoo warbixiyo sadex waqti oo uu ka maqnaa xerada tababarka.

Xidiga reer Algeria ayaa seegay tababarkii saakay, waxeyna u aheyd markii sadexaad sidoo kalana wuxuu diiday inuu kooxda la safro ka hor kulankii ay guuldarada kasoo qaateen Everton.

Xidigaan heerka caalami wuxuu doonayay inuu ka tago King Power Stadium tiiyoo ay jirto in kooxdiisa ay diiday sadex dalab oo ka yimid Manchester City, ugu dambeyntiina waxaa loo sheegay inuu joogo.

Si kastaba Daily Mail ayaa qirtay inuu Mahrez lacag la’aan ku shaqeyn doono muddo laba isbuuc ah madama la ganaaxay 200,000 kun oo Pound.

Xigasho Risaala.


Fikradaha Akhristayaasha (0)