Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Kulan dhaxmaray Banaadir iyo Heegan

Banaadir iyo Heegan ayaa kullan xiiso badan waxa ay ku yeesheen garoonka Koonis, iyadoo ciyaartaas ay ka tirsaneyd horyaalka Soomaaliya.

Waa kullankii ugu adkaa ciyaraha labaad ee horyaalka Somalia Premier League,waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar aad loogu riyaaqo.

Kullanka ayaa ku bilaawday si dar dar ah iyadoo  qeybtii hore lagu kala nastay 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii laaad ee dheesha ayaa waxaa garoonka dhaawac loogu saaray xiddiga khadka dhexe kooxda Heegan Mahad Yare, kaddib jug ka soo gaartay jillibka midig.

Kooxda Banaadir ayaa u suura gashay in ay qabato hoggaanka ciyaarta waxaana gool qurux badan shabaqa soo taabsiiyay xiddiga Benteke oo weerarka ka ciyaara.

Ciyaarta oo gaba gaba ku dhaw ayaa Heegan waxa ay heshay goolkii bar baraha waxaana u dhaliyay xiddiga Nyanzi kaddib kubad uu ka helay Catoosh.

Labada kooxood ayaa iska lumiyay fursado ay shabaqa ku gaari kareen balse ciyaarta ayaa ugu dambeyn ku soo dhamaatay 1-1.

                                    

Sawir Qaade; Mahad Shariif Jilacoow


Fikradaha Akhristayaasha (0)