Advertisements
Advertisements

HORDHAC: Arsenal vs Everton

Arsenal oo guul darro lama filaan ah la soo kulantay dhawaan ayaa mininkeeda ku marti galineysa Everton.

Wararka Labada dhinac:

Saxiixa ugu qaalisan Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa xanuun ku seegi kara kulankiisii ugu horreeyay ee Arsenal.

Jack Wilshere ayaa sidoo kale shaki laga muujinayaa taam ahaanshiisa sababo la xiriira xanuun, balse Henrikh Mkhitaryan ayaa kulankiisii ugu horreeyay ka soo muuqan doona Emirates Stadium.

Daafaca Everton Seamus Coleman ayaa usbuuc gudihiisa ku soo bilaaban kara kulankiisii labaad kadib 10-bilood uu ku maqnaa jab ka gaaray lugtay.

Daafaca Man City Eliaquim Mangala oo amaahda ugu yimid Everton ayaa kulankiisii ugu horreeyay safan kara maanta.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Arsenal vs Everton

Goobta: Emirates Stadium

Goorta: 8:30 Habeenimo

Garsoorka: Neil Swarbrick (England)

Kulamada Fool ka Foolka:

Everton ayaa 11 kulan guul ka gaari la’ Arsenal waana waqtigii ugu dheeraa ay koox guul ka gaari wayso Premier League (4-bar baro, 7-guul daro).

◾The Toffees ayaa diiwaan gishatay 2-guul oo qura 22-kulan ay la ciyaartay Gunners dhammaan tartamada, guushoodii ugu dambeysay waxay ahayd December 2016.

◾Arsenal ayaa 100-gool ka dhalisay Everton waana kooxda kaliya ee Premier League ee sidaa ku sameysay koox kale.

Safafka Macquulka ah ee Arsenal vs Everton:

 Xigasho, Gool FM.


Fikradaha Akhristayaasha (0)