Advertisements
Advertisements

Mourinho oo lagu eedeeyey guuldarrooyinka Chelsea iyo Roman Abrahamovich oo……?

Madaxda Chelsea waxa ay aaminsan yihiin in hoos u dhaca iyo mushaakilka soo food saaray Antonio Conte ay sabab u tahay dagaalkii afka ahaa ee dhexmaray isaga iyo Jose Mourinho, sidaas waxaa qaba warar hoose.

Kooxda hadda haysata horyaalka Premier League-ka waxaa soo food saaray xaalad adag iyaga oo guuldarro kharaar oo 3-0 kala kulmay Bournemouth.

Taasi waxa ay timi kaddib kulankii League Cup-ka kaddib oo afar dhammaadka ay ku soo cirib tirtay Arsenal.

Madaxda Chelsea ayaa sida la fahansan yahay u arka in aan dhibtaas looga horreyn Talyaaniga Jose Mourinho.

The Mirror waxa ay qortay in qaar ka mida masuuliyiinta Chelsea ay aaminsan yihiin in aflagaadadii Mourinho ay dubka ka gashay Conte saameynna ku yeelatay bandhigyadiisa.

Sidoo kale milkiilaha Chelsea Roman Abramovich waxa uu doonayaa in Conte uu dhammeeyo collaada isaga iyo Mourinho si uu diiraddiisa ugu soo celiyo geguda.

Labada tababari waxa ay 25ka Febraayo foodda isku dari doonan lugta labaad ee Premier league-ga is aragooda, Conte ayaa booqan doona Old Trafford.


Fikradaha Akhristayaasha (0)